Dowladda oo soo saartay digniin ku socota shacabka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta gaar ahaan kuwa u dhow dhulka xeebaha.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in halis ka dhalan karo duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo kamid ah dalka.

Sida lagu sheegay qoraalkan, saadaasha hawada ayaa  muujinayso koror xooggan oo ah xaddiga roobka, kaasoo keeni kara khasaare nafba iyo moodba, oo looga digay shacabka.

Waxay sidoo kale wasaaradda ka codsatay shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah iyo dhulka u dhow xeebaha.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan saameynta ka dhalan karta fatahaadda, maadaama ay isa soo tareyso cabsida haatan laga muujinayo.

Waxaa ka mid ah meelaha sida weyn farta loogu fiiqay ee laga digay magaalooyinka Kismaayo, Boosaaso, Berbera iyo magaalooyinka kale ee kuyaala aagga u dhow xeebaha.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha ee Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin.

Soomaaliya, waxaa horay ugu dhuftay fatahaado xoogan, waxaana aad loo xasuustii kuwaas sanadkii hore ka dhacay degmooyinka Baardheere, Beledweyne iyo Qardho.