Waraabe oo laba arrin kala hadlay Mareykanka + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa maanta wada-hadal Hargeysa kula yeeshay wafdi uu horkacyo sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon iyo xoghayaha 1-aad ee safaaradda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaaasada iyo dhaqaalaha Geoffrey Parker.

Kulankan waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku wehlinayay xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal.

Faysal Cali Waraabe ayaa wafdiga Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kala hadlay doorashada Somaliland iyo arrimho ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

“Kulankan ayaa lagaga wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan is mari waa ka dhashay arrinta doorashada oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Horay beesha caalamka ayaa digniino uga soo saaray xaaladdaha ka taagan Somaliland oo hadda wajaheysa middii ugu xumeyd, marka la eego arrimaheeda gudaha.

Arrimahan ayaa waxaa uga sii daraya dagaalka weli ka socda Laascaanood iyo jabhadda cusub ee looga dhawaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ee maamulkaasi.