DF oo xil ku abaal marisay sarkaalkii qabtay GURICEEL

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay shalay kala wareegtay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo in muddo ah ka talinayey degmadaasi.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyaha degmadaasi u magacaabay Zakariye Cali oo ka mid ah saraakiisha dhalinyarada ee dhowaan dowladda geysay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sarkaalkan ayaa isaga iyo ciidamo uu wato shalay aroortii hore waxa ay ciidamada Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya ururkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir  Cali Xasan madaxa xukuumaadda Galmudug oo dhankiisa ka hadlay xiisadahani ayaa si kale u dhigay arrinta, wuxuuna beeniyey in Ahlu Sunna lagala wareegay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel, isagoo sheegay inay si wadajir ah halkaas uga howlgalaan ciidamada isku dhafka ah ee la sameeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse waxaa marba marka ka dambeysa ka sii daraya xiisada labada dhinac oo ka dhalatay magacaabista guddiga farsamada doorashada ee maamulka Galmudug.

Xaaladda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa saaka degan, kadib shaqaaqado labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com