DF Soomaaliya oo wafdi u dirtay Beledweyn kadib markii ay sii xoogeysatay xiisadda

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiru u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa si weyn Beledweyne ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada maamul ee ka taagan halkaasi.

Sidoo kale inta ay joogaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta  HirShabelle, kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada.

Dowladda dhexe ayaa dadaal xoog leh haatan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa xasaradaha ka jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xiisada oo sii xoogeysatay ayaa waxa ay u dhexeysaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo maamulka HirShabelle.

Dabageed ayaa diidan in xilka uu wareejiyo, islamarkaana uu baneeyo xarunta maamulka, inkastoo haatan loo qabtay muddo 72 saacadood inuu kaga baxo xafiisyada maamulka.

Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay shir Jaraa’id uu ku qabtay Beledweyne ku sheegay in shalay la soo weeraray, islamarkaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay isku dayeen inay dilaan, balse uu dilkaasi ka badbaaday.

Lama oga waxa ka soo bixi kara dadaallada ay sameynayaan xubnaha hadda gaaray Beledweyne ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com