DF Soomaaliya oo xil muhiim ah u magacowday taliyihii ciidanka booliska Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar ayaa xil muhiim ah u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdirisaaq Afguduud.

Wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xil-ka looga qaaday taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka booliska Soomaaliyeed loogu magacaabay Afgaduud, iyadoona xil-kaas laga qaaday Cabdullahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Laguma shaacin wareegtada sababta xil-ka looga qaaday Genaraal Bariise, balse tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii dambe waday taliska Booliska.

Cabdirisaaq Afguduud oo horey u soo noqday mar taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa lagula dar-daaray inuu si deg-deg ah u guto waajibaad shaqo loo igmaday.

Sidoo kale waxaa la faray laamaha amniga iyo cid kasta oo ay quseyso inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee laanta ilaalinta Canshuuraha ee booliska Soomaaliyeed

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe watay isbedallo dhanka hoggaanka ciidamada ah, taas oo laga gol-leeyahay sugida amniga magaalada Muqdisho.