Video: Shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo gadood sameeyey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo cabasho ah.

Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa warbaahinta u sheegay inay ka cabanayaan mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taas oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, gaar ahaan laba nin oo u kala dhalatay dalalka Kenya & Uganda.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay shaqeeyaan saacado badan oo aan ku jirin waqtiga shaqada ee lagula heshiiyey.

Shaqaalahan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrintooda.

“Cadaalad ayaan u baahanahay, wax ha naloo qabto.” ayey ku qeylinayeen dibadbaxayaashu.

Halkan hoose ka daawo muqaalka