‘DF Soomaaliya oo xiriirka u jari doonta dalal kale oo la macaamila Somaliland’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Federaalka Somaliya waxay ku eedeysay inay ku howlan-tahay sidii ay u sii kala fogeyn lahaayen Somaliya iyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay talaabooyinka Dowladda Federaalku qaadeyso inay sii hurin karaan xiisada ka dhaxeysa oo ay ka dhalan karto cadaawad hor leh oo hog mugdiya kusii rideysa isku soo dhawaansho dambe.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan talaabooyin badan oo Dowlada federaalku ay ku go’doomineyso Somaliland, midaasi oo ku tilmaamay inay sii fogeynayso Somaliland, kana mid noqoneyso dhibaatooyinka ay hore uga go’aday Somaliya.

Faratoon ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay Dowladda Federaalku ay xiriirka u jari doonto dalal kale oo ay Somaliland la yeelaneyso macaamilo fiican, haddii ay sii joogteyso hab-dhaqano uu ku sheegay inay yihiin aragtiyo gaaban oo aad looga fiirsan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii khamiistii si rasmi ah u shaacisay in gabi ahaan ay xiriirka u jirtay dowladda Guinea, kadib markii si maamuus leh ay u soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland oo haatan booqasho ku jooga gudaha dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com