DF Soomaaliya war kasoo saartay dagaalka ka socda duleedka BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda deegaanka Kabxanley ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afrax ayaa marka hore baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka labada beelood ee ku diriraya halkaasi, wuxuuna ka dalbaday inay shuruud la’aan ku joojiyaan xabadda.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay u istaagaan joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya halkaasi.

“Wasiirka wasaaradda wuxuu ka dalbanayaa duubabka, odayaasha dhaqan, culimaaudiinka, ganacsatada, aqoonyahanada, dhalinuarada. ururada haweenka iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u kacaan joojinta dhiigga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya deegaanka Kabxanley, kaas oo noqoday mid soo noq-noqday,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda arrimaha gudaha ay diyaar u tahay inay dhigto gogol dib u heshiisiin ah, si loo soo afjaro xiisadaasi.

“Wasaaraddu waxay diyaar u tahay fidinta gogosha heshiisiinta walaalaha wada dega deegaanadaasi,” ayuu sii raaciyey.

Dagaalka ka socda Kabxanley oo ah mid culus ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan mas’uuliyiinta iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan duleedka Beledweyne.