Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur

Boosaaso (Casimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidmada Puntland ee ku yaalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen gudaha xerada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen hareeraha saldhigga la beegsaday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka Puntland ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic, kadib weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray gaadiidka iyo xerada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha Puntland oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Puntland ay howl-gallo iyo dhaqaaqyo ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland oo ku yaalla dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.