Odayaasha beelaha HAWIYE oo soo saaray DIGNIIN ku socota Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadalka jeediyey kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka ayaa si adag uga hadlay isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu xilka hoggaanka NISA sii hayo Fahad Yaasiin, isagoo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn cambaareeyey warqadii uu madaxweyne Farmaajo ka soo daba saaray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo sheegay in hadii aan laga hor tegin fidnada ka soo socota go’aannadaas is diidan ay wax badan halaabi doonaan.

“Ma aqbaleyno qaabka uu Farmaajo ku doonayo in loo baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, waxaan digniin u jeedineynaa madaxweynihii hore Farmaajo, warqadii uu soo saarana waan cambaareyneynaa, waxayna ficilladiisu keeni karaan fidno weyn, horumarka iyo doorashada la hiigsanaayo ayeyna caqabad ku tahay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ay soo dhaweynayaan tallaabadii Ra’iisul wasaare Rooble, “Go’aankii uu qaatay si uu qaranka u badbaadiyo waan soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Rooblow cudur jiray waayahaan oo dowladnimada ragaadiyey ayaad go’aan sax ah ka qaadatay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay taageeraan oo garab istaagaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shacabka ayuu sidoo kale ka dalbaday inay ra’iisul wasaaraha taageeraan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Xaad ugu baaqay beesha caalamka inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa, maadaama uu Farmaajo kolhore wareejiyey mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Xaad