Muxuu Cabdalla Cabdalla ka yiri isku dayga Farmaajo ee shaqo kusoo celinta Fahad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen waraaqaha is-khilaafsan ee ay soo saareen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee ku aadan shaqo joojinta iyo ku celinta Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan ku gadaaman awooda Farmaajo.

Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Farmaajo uusan xaq u laheyn in uu shaqada kusoo celiyo Fahad Yaasiin, maadama uu ka dhawaajiyey in awood fulin ama maamul uusan laheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu magac sharafeed keliya u sito “Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida,” oo aysan aheyn taliyo-nimo xaqiiq ah.

“Shaqo joojin waa hab anshax marin ah si KMG laguna fuliyo mas’uul shaqadii uu hayay ku dhex sameeyay fal keeni kara anshax marin ama baaris fal-dambeiyeed laga shakiyey inuu dhacay, waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo maamul, sida; Taliye ciidan ayaa sameyn kara, DG Wasaarad, Wasiir, Ra’iisul Wasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uusan waqtiga ka dhamaan malaha awoodaas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul,” ayuu yiri.

“Macnaha inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiq ah. Madaxweynaha amaaha taliye ciidan, awoodaha madaxweynaha waqtigiisa 4 sano ah haysta waxaa caddeynaya Dastuurka KMG ah.”

Jeneraal Cabdalla ayaa waxa uu ugu dambeyntii usoo jeediyay Farmaajo iyo Fahad inaysan isku sii fogeyn midida oo ay sharciga u hogaansamaan baarista xeer ilaalinta ka war-sugaan, sida uu hadalka u dhigay.