Shacab caawa dibad-bax ka dhigayey Muqdisho oo awood ciidan la isku hortaagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa kala eryay dad isugu soo baxay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigaayey banaanbax ay ku taageerayaan xilka qaadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin.

Banaanbaxaan oo galabta aad la isugu balansaday baraha bulshada ayaa caawa 7:00 pm fiidnimo ka bilaawday isgoyska Banaadir, balse ciidamada Haramcad oo durba goobta gaaray ayaa rasaas ku kala ceyriyey dadkii isku soo baxay.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu soo baxday banaanbaxaas, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa hareeraha wadada Maka al-Mukarama dhigtay gaadiidka dagaalka, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadweynaha.

Qaar ka mid dhalinyarada la kala ceyriyey oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay banaanbaxaas ku taageerayeen go’aankii Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho.

Waa markii labaad oo ciidamada ammaanka ay dhiciseeyeen banaanbax ay dhalinyarada Muqdisho ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo gacanta NISA ay cadaalad hesho, waxaana maalin ka hor sidaan oo kale ay ciidamadu u kala ceyriyeen dhalinyaro isugu soo baxday isgoyska KM-4, kuwaas oo qaarkood jirdil loo geystay.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu waayey nolol iyo geeri ee Ikraan Tahliil ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadashay waxay aad ugu mahad celisay dhalinyaradii isugu soo baxday si ay cadaalad ugu dalbaan walaashood Ikraan.