Amsterdam: Maxaa kusoo kordhay khilaafkii guddiga masjidka Quba ee Soomalida?

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay una dhexeeya guddi Soomaali ah oo maamula masjidul Quba, oo ah masjid Soomaalidu maamusho oo ku yaal Magaalada Amsterdam ayaa weli xal laga gaari la’ yahay.

Khilaafkani wuxuu bannaanka u soo baxay markii iimaamkii masjid Quba Shiikh Suldaan uu ka saaray KVK-ga C/risaaq oo guddiga ka tirsan, taas oo sababtay in xubno kale oo guddiga ka mid ah, kana caraysan tillaabada Shiikhu qaadayay in iyagana Shiikh Suldaan ka saaraan KVK-ga, waxaanna khilaafku lugaha la soo galay marxalad cusub, iyada oo maalin ba maalinta ka dambaysa la soo warinayay in xaaladu ka sii darayso.

Kaddib, maxaa dhacay?

Inkastoo howlihii masjidku si caadi ah u socdaan, xubnaha guddiga ee uu khilaafku ka dhexeeyo-na ay qolo kastaahi howsheeda si caadi ah u gudaneyso, haddana waxaa muuqda walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka bixiya qidmada masjidka lagu caawiyo iyo kuwa ku jira qaybta caymiska oo ay doonaya su’aalo badan oo ay qabaan in jawaabo u helaan.

Khilaafku wuxuu u dhexeeyaa iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & 6 xubnood oo ka tirsan guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah, waxaanna ku soo baxay guddi ka mid ah waxgaradka Soomaalida, iyada oo 2da dhinac ay u madax dhiibteen.

Tillaabooyinkan guddigani qaaday waxaa ka mid ahaa; in 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay ka saxiixeen in wixii guddigoodu soo go’aamiyo ay qaadanayaan, taas oo ay aqbaleen, hasse ahaatee ilamaa haatan guddigaasi wuu ka soo raagay in bulshada Soomaaliyeed uu la wadaago natiijada baaritaanadii ay sameeyeen iyo wixii kaga soo baxay.

Xubnaha guddiga oo intooda badan ka yimid magaalooyinka Eindhoven iyo Tilburg waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 10 xubnood, hadda waxaa la leeyahay waxaa ku soo haray 4 xubnood, waxaanna jira xubno guddiga isaga baxay markii ay ula muuqatay in rajada in xal la gaaraa ay fog tahay.

“Waxay aheyd ragga culimida ah ee maamulka masjidka haya haddii khilaaf yimid inta aanu bannaanka u soo bixin in ay is xaliyaan, ma dhicin, khilaafkii bannaanka ayuu yimid, waa in ay ogaadaan in habsami u socoshada howlaha masjidka iyaga ka muhiimsan yahay, waxaana ay ku qasban yihiin in ay shacabka la wadaagaan waxa la isku haysto, qof kastana la dhageysto, qofkii ama kooxdii qaldanna howsha laga wareejiyo, culimadii shalay ay bulshadu u soo gurmatay oo hooyooyinku ay dahabkooda u gadeen si masjidka loogu dhiso, dhalinyaradu ay hiil iyo hoo isla garab taageen in la yiraa iyagii baa is haysta waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay sumcadooda” Ayuu yiri Xassan Cumar Kaahiye oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam.

Muxuu yahay shirka Sebtida la iclaamiyay?

Guddi kale oo fadhigiisu yahay Amsterdam ayaa horay khilaafka ugu soo baxay, lana kulmay labada dhinac, iyaga oo ka dalbaday in ay dhexdhexaadiyaan, maadaama ay yihiin waxgarad Soomaaliyeed oo daggan magaaladu masjidku ku yaal iyo agagaarkeeda, waxaanna dalabkaasi soo dhoweeyey Shiikh Suldaan, halka garabkii kale ay ku gacan sayreen, waxayna doodoodu noqotay: “Howsha dhexdhexaadinta hadda waxaa ku jira guddi kale, aan ka war sugno”.

Iyada oo xaaladu ay sidaa tahay guddigii laga dhursugayay na uu waqti dheer qaatay, khilaafkii na uu weli halkiisii joogo, ayaa shalay laga war helay guddigii Amsterdam fadhigiisu ahaa oo Soomaalida waxgaradkeeda ku casuumay in ay kulan isugu yimaadaan maalinta Sebtida ee bishu ku beegan tahay 11, waxaanna kulanka lagu wadaa in looga hadlo khilaafka u dhexeeya guddiga maamul masjidka, iyada oo kulanka lagu wado inuu ka soo qeybgalo Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeyo.

Shirkan cusub waxaa ka biyo-diday garab ka mid ah guddiga, waxaanna suurtagal ah in Shiikh Suldaan la wadaago dadka Soomaalida ee madasha ka soo qeybgeli doono waxa la isku haysto & dhumucda khilaafka.

Si kastaba, masaajidkan ayaa kaalin muhiim ah kaga jira fidinta diinta, barashada & wacyigelinta mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan, waxaanna masaajidka adeegyada ugu muhiimsan ee uu Soomaalidu u hayo ka mid ah aaska meytida & in ay u fududeeyaan ehelada dadkoodu ay dalkan ku xijaabtaan, ee doonaya in dalkeenii lagu aaso.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan