Maxbuuskii uu sii daayay Jeneral Caydiid oo xil Aqalka Senate-ka ah u tartamaya

Michael J. Duran waxa uu ahaa duuliye katirsan ciidanka cirka ee Mareykanka, hadda waa Qoraa, waxa uu howlgeb ka noqday ciidamada Cirka ee USA, waa Duuliyihii duulinayey diyaaraddii Nuuca qummaatiga u kaca ahayd ee ku soo dhacday Magaalada Muqdisho intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey General Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidanka Huwanta ahaa ee Mareykanku horkaceyey ee ka qaybgalay dagaalkii Axad 3-October-1993 ku dhexmaray Muqdisho ciidankaas iyo taageerayaashii Genaral Caydiid.

Duran waxa uu hadda u tartamayaa kursiga Senator -ka laga soo dooranayo gobolka Alabama ee Mareykanka, sanadka 2022-ka.

Durant wuxuu u ahaa duuliye hawlgalada gaarka ah (special operations pilot for the 160th Special Operations Aviation Regiment (SOAR)  laga bilaabo 1988 illaa 2001. Wuxuu shaqada ciidamadanimada howlgeb ka noqday isaga oo haysta darajadda afaraad ee milatariga Mareykanka.

Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kaddib dhacdadii “Black Hawk Down” ay ka dhacday xaafadda Tokiyo ee magaalada Muqdisho, dhacdadaasi waxa ay kamid tahay sheekooyinka dagaal ee ugu xiisaha badan taariikhda casriga ah ee Mareykanka

Intii uu socday hawlgalkii Dagaalkii Muqdisho, Durant ayaa kamid ahaa askartii Ameerikaanka ee u gacan-galay ciidankii AUN, Gen Maxamed Faarax Caydiid kuwaasoo kalkii dambe isaga oo nool sii daayey.

Markii la sii daayay, Durant oo maxbuus ahaa muddo 11 maalmood ah wuxuu sii waday gudashadda waajibaadkiisa qaranka illaa aakhiritaankii uu ka fariistey shaqadda ciidanimadda.

Sannadkii 2006, Durant wuxuu qoray buugga “Shirkadda Geesiyaasha: Sheekada Shakhsiyeed ee Ka Dambeysa Black Hawk Down,” kaasoo bixiyey tafaasiil fahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay.

Durant waa madaxweynaha iyo maamulaha Injineerinka hawada sare iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka Pinnacle Solutions, Inc, oo ah shirkad ganacsi yaryar leh oo xarunteedu tahay Huntsville.

Shirkadda ayaa sidoo kale maamusha goobo dayax-gacmeed oo ku yaal Kentucky iyo California. Pinnacle si lamid ah waxay shuraako la tahay warshado, Waaxda Difaaca Mareykanka iyo NASA.

Durant oo siyaasi firfircoon ah ayaa xubin ka ah guddiyada agaasimayaasha ee ururka ay ku mideysan yihiin ciidamada howlgalada gaarka Mareykanka iyo askartii shaqadda ka fariisatay.

Sidoo kale wuxuu doorarkii hoggaamineed ka cayaarey ololihii doorashada madaxwayne George Bush ee 2004 iyo sidoo kale ololihii madaxweynenimada 2008 ee Seneator John McCain.

Markii wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa ku aaddan Senate -ka Mareykanka, Durant wuxuu u sheegay YN inuu si lama filaan ah u qaadan doono go’aan ku saleysan “waxa ay ku jirto danta gobolkayga.”

Xigasho: Mustaqbal Media