Khilaafka FARMAAJO iyo Rooble ma saameyn karaa hanaanka doorashooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib markii ay xiisad  horleh ka dhex-qaraxday hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, kaas oo ka dhashay shaqo joojintii lagu sameeyey agaasimihii NISA.

Dadka falan-qeeyna arrimaha siyaasadda iyo aqoonyahanada ayaa haatan ka digayA sii socoshada khilaafka soo kala dhex-galay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhaMmaaday, maadaamo lagu jiro xilli kala guur ah iyo marxlad doorasho.

Haddaba khilaafka Farmaajo iyo Rooble ma saamayn karaa hannaanka doorashooyinka?

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare Jaamacadeed oo u warramay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in si deg deg ah xal looga gaaro ismari-waaga ka dhashay shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale xusay, haddii aanan si degdeg ah lagu soo afjarin khilaafkan cusub uu waxyeeleyn doono hannaanka doorashooyinka billowday ee dalka.

“Arrintan hadda soo cusboonaatay doorashada waxay ku leedahay saameyn baaxad leh , sababta ay saameynta ugu yeelaneyso waxaa ka mid ah in waqtigii la gelin lahaa doorashada iyo qaabkii horay loogu socon lahaa waqtigaas in la gelin doono is jiid-jiid kale iyo dagaal kale oo aanu ku saleysneyn doorashada,” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Cabdi

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Markasta oo is qabsashada sii fogaato waxaa dib u dhacaya doorashada, ficlana waa wax iska muuqdo, haddii aan hadda si dhaqso ah loo xallin,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xiisada ka qaraxday Villa Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana si aad ah isha loogu hayaa halka uu ku dambeyn khilaafkan cusub.

Si kastaba doorashooyinka dalka ayaa marar badan dib u dhacay, waxaana is jiid-jiidkan uu haatan kusoo aadayaa, iyada oo lasoo saaray jadwalka doorashada ee Golaha Shacabka.