Farmaajo oo gacantiisa ku abuurtay dagaal ka xaqnimo badan kii muddo-kororsiga

Farmaajo gacantiisa ayuu maanta ku abuurtay dagaal kale oo ka sii xaqnimo badan midkii muddo-kororsiga. Haddii ay shalay macnaha iyo culeyska ay leedahay sharcidarro xilka loo kordhisto ahayd mid ay siyaasiyiintu fahmi karaan in ka badan inta ay shacabku fahmi kareen, maanta waxa uu Rooble u taagan yahay mabda’ la wada taageersan yahay oo ah ilaalinta caddaaladda muwaaddinka, iyo socodsiinta doorashada Dalka oo labadaba uu taageero gudaha iyo dibadda ah ku haysto. 

Konton sano ka dib Farmaajo oo sakaraad ah haddii la yiraa “war waa dhiman rabtaa ee ashahaado”, wuxuu leeyahay “waxaan farayaa Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato”. Dhulka haddii la rogo oo ummaddu wada dhimatona Farmaajo wuxuu soo saari lahaa warqad uu leeyahay “Fahad Yaasiin xilkiisa ha sii wato”.

Ninkaan waddanka waxa uu u yimid laba ujeeddo; (1). in uu kursi ku fadhiisto kana kicin inta cimrigiisa ka dhiman, (2). Iyo in Fahad Yaasiin uu agtiisa taagnaado. Maanta labadaas ujeeddaba waqtiga ayaa ka carqaladeeyay mana suurtoobi karaan. Asna waa macangag aanan runta hadal ku maqlin illaa xabbad lagu rido maahee. 

Sidii aan horeba u aaminsanaa, Raysalwasaare Rooble waxaa la gudboon in uu ku faro-adeygo fursaddaan xag Allah uga timid oo uu dadkiisa iyo dalkiisa ku badbaadinayo. Inta wax garadka ahna waxaa la gudboon inay si buuxda u garabistaagaan Rooble iyo halgankiisa uu ku raadinayo xuquuqda Ikraam kuna badbaadinayo sharcigii ay afar sano ku soo tumanayeen maangaabyada talada Dalka ku soo qaldamay.

Soomaaliya doorasho kama dhici doonto illaa la quusiyo damaca xukun-jacaylka indhaha la’ ee Farmaajo, loona xaqiijiyo in uusan Dalku isaga afduub ugu jirin.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid