PUNTLAND oo war kasoo saartay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero buuxa u muujisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseeen Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal xalay kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.”

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale boggaadisay, soona dhaweynaysay dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Puntland ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee taageera ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo raacday maamulka Jubaland. 

Qoraal ay shalay soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowladda Jubaland waxay bogaadineysaa doorka iyo go’aanka xilkasnimada iyo mas’uuliyadda ay ku dheehan tahay ee uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka qaatay maareynta iyo ka gun-gaaridda arrinka sarkaalad Ikraan Tahliil.”

“Sidoo kale, Dowlada Jubaland waxay soo dhoweeneysaa go’aamada ra’iisul wasaaraha uu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, islamarkaana ku magacaabay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’addaas, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.”