Xog: Farmaajo oo la kulmay agaasimaha cusub ee NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay madaxtooyada kula kulmay agaasimaha ku-meel garaka ah ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe.”

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu Farmaajo kala hadlay Bashiir Goobe, oo magacaabistiisa uu kaga horyimid warqad uu soo saaray subaxnimadii Isniinta, warqaddaas oo uu sidoo kale ku amray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la-kulanka Bashiir Goobe ay u muuqato inuu Farmaajo ku aqbalay magacaabistiisa, kana tanaasulay mowqifkii uu ku diiday shaqo ka-joojintii agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Haddii ay sidaas tahay, way adag tahay in la fahmo waxa beddelay maskaxda Farmaajo wax ka yar 24 saac gudahood, hase yeeshee waxay u muuqan kartaa inuu garowsaday inaysan waxba gacanta ugu jirin, oo awoodda dalka uu si buuxda u haysto ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa fiidnimadii Isniinta la kulmay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen inuu haysto taageeradooda, fariin culusna u dirtay Farmaajo.

Haddii Farmaajo uu aqbalo xil ka-qaadista Fahad Yaasiin, waxay si rasmi ah u xaqiijin doontaa in talada dalka ay gacantiisa ka baxday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay madaxweyne sharafeed kursiga sii gaarsinaya madaxweynaha beddeli doona.

Go’aanka uu Farmaajo ku taageeray Fahad Yaasiin ayaa dhaliyey caro xooggan, sababtoo ah kiiska Fahad ma aheyn mid siyaasadeed, balse wuxuu la xiriiray dilka gabar yar oo dowladda lagu aaminay, taasi oo muuqaal xun ka bixisay Farmaajo.

Farmaajo ayaa afartii sano ee uu dalka maamulayey caan ku ahaa inaanu mar kasta ka fiirsan go’aanada uu qaadanayo, waxaana marar badan ku dhacday inuu ka laabto go’aano qaldan oo uu qaatay kadib markii ay meel mari waayeen, ayada oo ay ugu dambeysay isku daygiisii muddo kororsiga.