DF: Waxba kama ay jiraan ETHIOPIA iyo SOOMAALIYA ayaa hal dal isku noqonaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka hadlay heshiis maalin ka hor Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy.

Wasiir Daahir Geelle, ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu waxbadan ka bedeli karo xaalada Somalia, waxa uuna farta ku goday inuu ka kooban yahay iskaashiga amniga, la-dagaalanka argagixisada, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu ka koobnaa 16 qodob oo dhammaantooda ka dhexeeya labada dal, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska uu micno gaara u leeyahay labada dalka ee Somalia iyo Ethiopia.

Wasiirku waxa uu meesha ka saaray in Heshiiska uu yahay mid hadda cusub, balse waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid diyaarintiisa kasoo bilowday xiliga dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta, ayuu yiri isagoo la hadlaayay Idaacada BBC.

‘’Heshiiskan ma aheyn mid hadda cusub waxa uu kasoo bilowday dowladii ka horeysay tan hadda jirta marka waxaanu qabnaa in labada dal ay faa’iidooyin ugu jirto 16 qodob ee la kala saxiixday’’

Wasiir Daahir Geele, ayaa wax laga weydiiyay haddal uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia la wadaagay madaxda dalkiisa kadib laabashadiisa kaa oo ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada, waxa uuna Wasiirku sheegay in labada dal ay kala madax banaan yihiin keliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi.

‘’Ma jirto wax labada dal laga dhigay hal wadan wey kala madax banaan yihiin keliya waxaa Ethiopia nagala dhexeeya heshiis ku dhisan wax is dhaafsi’’

Waxa uu Wasiir Geele intaa raaciyay haddalkiisa “Mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.”

Wasiir Geele waxa uu sheegay in Somalia ay ilaalin doonto keliya wixii ka khuseeya Heshiiska, halka waxa ay wadato Ethiopia uu yahay mid iyada u gaar ah oo aan waxba ka khuseyn Somalia.

Somalia ayuu sheegay inay garaneyso sida ay u wajahdo rabitaankeeda, sidaa aawgeed ay lama huraan tahay in marnaba aan laga weecan 16-ka Heshiis ee dhacay.

Sidoo kale,Wasiir Geele waxa uu talaabo wanaagsan ku sheegay booqashadii uu Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia ku yimid Somalia, waxa uuna ku sifeeyay Somalia oo hiigsaneysa halkii laga rabay.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu sheegay inay diyaar u tahay muujinta dadaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com