“DF SOOMAALIYAa wey naga tashatay anagana waan ka tashaneynaa uma fadhin doonno” !!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka ka dhextaagan DF Somalia iyo Ahlusunna ayaa waxaa goordhow arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo Khudbad ka jeedinaayay shir maalmihii dambe uga socday Magaalada Nairobi, ayaa sheegay in DF Somalia ay si cad u baayacday heshiisyadii kala dhexeeyay Ahlusunna, waxa uuna Tilmaamay in iyaguna si lamid ah u dayici doonaan dhamaan heshiisyadii ay la galeen.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay Ahlusunna ka saartay dhamaan liisaska Gobolada dalka, taasina ay muujineyso heerka ay dowladu ka gaarsiisan tahay dayacaada wada-hadaladii ay la galeen, balse si taa lamid ah ay iyaguna u tashteen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in waajib ay tahay in cid walba ay ka tashato cida ay u dhiibanayso maamulka iyo sidoo kale aayahooda, waxa uuna DF ugu baaqay inay ka waantowdo fara gelin uu sheegay in ay ku hayso maamulkooda, waxaana uu cadeeyay in dowladda ay ka baxday heshiisyadii horay loo wada gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com