Ciidamadii Ahlu Suna ay dhawaan u diiden inay Cadaado galaan oo fariisimahoodii ku laabtay

Hiiraan (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Ahlu sunna ee degmada Matabaan aya sheegay in ciidamadii dhawaan ay ku celiyeen degmada Matabaan ay ku laabteen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u diideen iney u gudbaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo la qorsheynayay iney xaqiijiyaan amaanka.

Ciidamada Jabuutiyaanka ah ayaa la sheegay iney kusoo laabtan fariisimihii ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo markii hore ay ka dhaqaaqeen.

Ahlu sunna iyo ciidamada AMISOM ayaa muddo maalmo ah isku horfadhiyay magaalada Matabaan, waxaana Ahlu sunna ay sheegtay in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe aan lagu wargilin.

Taliska AMISOM ayaanan ka hadlin is hortaagida ay sameeyeen ciidamada Ahlu sunna ee ku sugan degmada Matabaan iyo dib usoo laabashada ciidamada Jabuuti ee magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com