QOYS dhan oo mar qura lagu dilay BAYDHABA!

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen saddex dumar oo laba ka mid ah ay yihiin gabadho iyo hooyadood.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in dilka Seddexdaani ruux uu ka dhex dhacay hooygooda, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday ragii falka geystay.

Xaalada Baydhabo ayaa kacsan, iyadoo todobaadyo ka hor lagu dilay culimaa’uddiin iyo nabadoono aad loo yaqaano; iyadoo aan waxba laga qaban ilaa iyo hada, lamana oga cida dilalkooda ka dambeysa.

Dhanka kale, Ciidamada DF Somalia, ayaa bilaabay baaritaano lagu raadinayo kooxihii dilka geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com