Danjire Ameeriko oo ka hadlay xil ka qaadistiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ee xilka laga qaaday Maxamed Cali Ameeriko, ayaa ka hadlay go’aankii ay golaha wasiirada ay Jamaal Xasan ugu magacaabeen inuu noqdo safiirka Soomaaliya.

Maxamed Cali oo bartiisa facebook soo dhigay farriin kooban ayaa sheegay inuu aqbalay uuna soo dhoweynayo go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya.

Farriinta uu saaka soo dhigay Facebook, ayaa u qorneyd sidan:-

“Subax wanagsan, JIMCO wanagsan.

Waxan soo dhowaynaya magacaabista ay Golaha Wasiiradda shalay u soo magacabeen saxibkay Ambassador Gamal Hassan , Safirka cusub ee Somaliya wakiilka ugu noqon doona Kenya. Shalay Ayan u hambalyeyay Ambassador Gamal Hassan. Waxan aad ugu mahadcelinayaa diblomasiyinta iyo shaqalaha ka shaqeeya Safarada oo maalin iyo habeen u tagaan u adeegista jaaliyaada Somalia ee Kenya. Sidii kale waxaan u mahadcelinaya ganasatada Somaliyeed ee Kenya sida wanagsan ay ugu gargareen qaxotiga Somaliyeed”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com