Cali Cabdalla SAALAX oo ku fashilmay codsi uu u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar GEELLE !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa warqad codsi magangalyo ah u diray Dowlada Jabouti.

Warqadiisa oo ku soctay Madaxweynaha Jabouto Ismail Cumar Geelle, ayaa waxa uu ku dalbaday in lasiiyo magangaliyo Siyaasadeed, hayeeshe waxaa codsigaasi ku gacanseeray Madaxweyne Geelle iyo Dowladiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen Riyaad Yaasiin ayaa waraysi uu siiyey Wargeyska Sharqal Aawsat waxa uu ku sheegay in dowlada Jabuuti ay sheegtay in codsi dhowr goor ka soo gaaray Cali Cabdalla Saalax balse ay diiday Codsiga Madaxweynihii hore ee Yemen.

Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan taageertay duulaanka diyaaradaha Carabtu ku hayaan Xuutiyiinta Yemen.

Diidmada Codsiga Cali Cabdalla Saalax, ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Jabuuti ay la daaladhaceyso culeysyo ka heysta dhanka Beesha Caalamka, kaasi oo ku saleysan duulaanada ka taagan Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com