Odayaasha Dhuusomareeb oo laba u kala jabay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah waxgaradka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka qaarkood ay ogaalaadeen in shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud lagu qabto degmada Cadaado.

Suldaan Cabdikariin Suldaan Maxamuud Dagal ayaa sheegay in waxgaradku ay ka go’an tahay dhisitaanka dowladda goballada dhexe, sidaa darteedna ay meesha ka saarayaan wax walba oo dhismaha maamulkaasi gadaal u dhigaye.

Wuxuu sheegay Suldaanka in la tashiyo ay la sameynayaan dhaqanka beelaha goballada dhexe ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana qaarkood ay aqbaleed go’aankii madaxweynaha.

Suldaanka ayaa carrabaabay in sidii hore aysan xaaladdu ahayn oo weli ay soconayaan kulamo iyo la tashiyo lala sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa jira qaar kale oo ka mid ah Odayaasha dhaqan oo weli dhaliilsan in shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud lagu qabto magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Ximin iyo Xeeb.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com