DFS hal hadaf oo ay lahayd way gaartay balse bulshada K/G ma mudneyn ciqaab!

Boorkii waa dagay, waa la kala miirtay! Maanta Baydhabo dhawr maalmood oo ay dhibaato weyn ka jirtay taas oo salfatay nolosha Xildhibaan iyo tiro shacab ah waa dagan tahay.

Waxaa taas dheer, xassilooni daraddii siyaasadeed ee maalmahanba socotay iyadana xal ayaa laga gaaray kaddib kulan ay wada yeesheen Gudoomiyihii carreysnaa Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan wallow uu Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta isku dayey in uu uga daro kaddib markii uu is casilay.

Hase yeshee, maadama la kala miirtay, aan si miir qab ah u eegno yoolkii dowladda ee dhex fariisiyey mashaqadii toddobaadkan.

Ma guul togan mise taban ayey gaartay dowladda waa su’aal jawaabo badan balse waxaa xaqiiqo ah in ay guuleysatay.

Roobow oo xabsi ah, doorashada oo dhaceysa, gudoomiyihii uu soo laabtay iyo bulshada reer Baydhabo oo dib noloshooda u bilaabay waxa ay daliil u tahay guusha siyaasadeed ee dowladda, ogow waan ka cudur daartay in aan anigu sheego saxnaanteeda iyo qaladkeeda.

Weydiinta ugu muhiimsan ayaa hase yeshee ah, Muxuu ahaa hadafkii ugu weynaa ee ay dowladda lahayd laba wajiileyntii ay ula dhaqantay Shiekh Mukhtaar Roobow Cali?

Ka jawaabidda su’aashan waxa ay na bari doontaa in dowladda yoolkeedii gaartay balse reer Koonfur Galbeed mareen ciqaab aysan mudneyn.

Muxuu ahaa?

Dowladda tan iyo markii uu Shiikha isa soo dhiibay waxa ay ka dhex arkeysay fursad weyn maadama uu laba saddex awoodood isku darsadaty; Tiisii argagixisonimo, awoodda beeshiisa ee Baydhabo iyo taageerada dowladda.

Saddexdaas awoodood waxa ay dowladda u arkeysay in ay ku bixin karto Shariif Xassan Shiekh Aadan oo laf dhuun gashay ku ahaa.

Dabcan, taas wey u suurtagashay kaddib markii ay Roobow u muujisay in uu tartami karo oo uu xataa sameyn karo dhaq dhaqaaq ciidan oo magaalada ah si uu u cabsi galiyo Shariif Xassan oo ay bulshadu necbaayeen hadana ku awood yaraa Baydhabo.

Dowladda waxa ay ku sii cadaadisay Shariif-ka taageeridda Laftagareen iyada oo dhammaan xildhibaanadii maamulkaas keentay Muqdisho.

Shariif oo dhinac walba eegay uguna weyn tahay cabsida Roobow-ga halista ah ayaa ku qancay in uu cagaha wax ka dayo.

Taas markii ay dhacday, dowladda waxa ay la soo baxday wajigeedii dhabta ahaa iyada oo Roobow soo xirtay kana horistaagtay loolanka – SHAQADII WAAD NOO FULISAY, RAALI AHOW!

Yeelkeede, arrintaas waxaa ka gadooday shacabka Koonfur Galbeed oo aad u daneenayey Shikeha, waxa ay galeen dagaal, dibed bax ay dad badan uga dhinteen kuna curyaabiyeen isu socodkii iyo dhaqaalihii magaalada – Xaqiiq, waa dhibaato iyo ciqaab aysan bulshadaas mudneyn.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid