Xildhibaan Axmed Shabeel: Arrimaha socda koox gaar ah ayey fursad siinayaan

Waxaan ku talin lahaa iney madaxda dawladdu xaaladda dejiyaan, wada hadalna in la furo, khaladaadka keenay khilaafkana la saxo.

Arrimahan soconaya waxay sii kala fogeynayaan mowqifyaddii la kala taagnaa, waxayna dhiirigelin u yihiin dhammaan inta naf lacaariga ah ee neceb xasiloonida iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatey.

Waxa ku farxaya bahalaha duleedka ka soo milikhsanaya ee xaasidaya horumarka ay dawladdu gaadhey isla markaana jecel iney ka faa’iideystaan khilaafka iyo burburka xukuumadda si ay u dhacaan hantida dadweynaha. Kuwaas oo aan haba yaraatee, aan dooneynin xasiloonida iyo deggenaanshaha dalka kuna shaqeeya habka maafiyonimada iyo mar walba adeegsanaya dibindaabyo ay ku dhacaan dhaqaalaha dalka.

Mana oggola xaqa waxaaney ku shaqeeya dulmi, sharci darro, qabyaalad, caddaalad la,aan, eex, sadbursi, khiyaano dhac, been abuur, daacad darro. Maadama madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii iyo badbaadiyihii qaranka, waa in lagu qaddariyaa xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uu gudanayo loogana dambeeyaa xallinta dhibaatooyinka dalku marayo, la iskuna garabtaagaa.

Guddoonka Baarlamaanka waxa looga baahan yahay in wixii dantu ku jirto uu kala shaqeeyo madaxweynaha.

Baarlamaanku isagoo ilaalinaya shuruucda dalka, waxa looga baahan yahay inuu kala shaqeeyo xukuumadda sidii loo gaadhi lahaa nabad iyo horumar loona adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka baarlamaanka.

Mooshinkii laga keeney madaxweynaha wuu jabay maadaama ay tiradii buuxsami weydey. Sidaas darteed, waa in laga gudbaa. Guddoonka Baarlamaanku waa iney sida ugu dhakhsaha badan u furaan baarlamaanka si loo bilaabo hawlaha u yaalla.

Qore: Xildhibaan Ahmed Shabel