Wel-welka khilaafka BF iyo rajada guulaha dawladda!

Somaaliya Asbuucaan waxaa u kulmay welwel iyo cabsi laga qabo khilaafka u dhexeeya Xubnaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka iyo Rajada Guulaha Dawladdu ay ka gaartay arrima Gobalka iyo kuwa Gudaha;

A – Mooshin uu qabtay Gudoomiyaha Golaha Shacabka 9 kii Bishaan ayaa dhaliyey khilaaf iyo is qab-qabsi u dhexeeya Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafitka, khilaafka oo u sii gudbay Guddoonka Golaha kadib markii Guddoomiyuhu u guuray Xarumaha Mucaaradka.

Dadka ayaa dib u xasuustay Barlamaankii Xorta ee Asmara 2007, iyaga oo filayey in wax laga bartay waaya aragnimadii laga dhaxlay 5 tii Barlamaan ee ka horeysay kan 10 aad ilaa Carte 2000.

“Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waaya arag? Illeen wax ma dhaantid geed”.

Waxaa cad in Xildhibaanada qaar Shacabka ay matalaan uu ka horreeyo dhanka Wacyiga iyo Aqoonta Siyaasada ay ku matalaan.

Wel-welkaas Shacabka waxaa ka Jawaabay shalay 167 Xildhibaan oo u balan-qaaday Shacabka in Madaxweynaha ay soo doorteen uu kalsooni ku dhamaysan-doono labada sanoo ee u hartay! Mooshinkuna uu ahaa mid dhoob-dhoob ah, haddana uu buray, lagan gudbay.

B – Guulaha Rajada iyo Himilada leh ee Dawladu gaartay Asbuucaan waxaa ka mid ah:

1. Booqashadii Taariikhiga ee Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Afawark, taas oo Alabaabada u furaysa Fursado: Nabadeed ee Gobalka Geeska Afrika iyo Somaaliya, Iskaashi labada Shacab iyo labada Dawladood dhinac kasta, Xiritaanka Kannaaladii Mucaaradka labada Dawladood, ka hortaga Go’doomin iyo Faragelin Shisheeye ee labada Dawladood.

2. Ka mid-noqoshada Isbahaysiga Badda Cas ee lagu asaasay Sacuudiga Asbuucaan taas oo muujinaysa Ahmiyadda iyo Dawrka Somaaliya ay ka Ciyaarayso Arrimaha Gobalka gaar ahaan Dawlaha kulaala Badda Cas iyo kuwa Geeska Afrika, waxa ayna adkaynaysaa Midnimada iyo Dawladnimada Somaaliya, waxa ayna yaraynaysaa Faragelintii Dawladaha Khaliijka.

3. Mashaariicdii ay kala saxiixdeen Dawlaha Somaaliya iyo Qatar oo gasreysa Adduun ka badan laba Bilyan$ taas oo cadaynaysa in Somasliya kasii baxayso kaalmadii Bani-aadamnimo, una gudbayso Mashaariic horumarineed iyo Wada-shaqaysi, waxa ayna kaalin wayn ka qaadanaysaa Mashaariicdaas Dhismaha Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Yareynta Shaqa La’aanta Dhalinyarada, Sugida Amniga iyo Dhismaha Hay’daha Dawladda.

Hadaba waxaan ka rajaynaynaa Xildhibaanada leh Dareenka Wadaniyeed in ay Khilaafkooda dhameeyan, ayna joojiyaan Magac iyo Sumcad dilka Dalka iyo Dadka si looga wada mira dhaliyo; Rajada, Himilada iyo Hayaanka Shacabka iyo Dawlad-nimada.

W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid