Waalidiin buux dhaafiyay saldhiga Baydhabo maanta

Baydhabo (Caasimada Online) – Maalintii Labaad waxaa saldhiga magaalada Baydhabo buux dhaafiyay waalidiin caruurtooda lagu xiray saldhiga waxii ka dambeeyay banaanbaxyadii ka dhacayay magaalada.

Waalidiinta qaar ayaa raadinaya haween iyo caruur ka maqan oo la waayay maalin kadib markii ciidamada booliska iyo meletariga ay awood u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid waalidiinta la hadasha kana qancisa sababta caruurtooda ay u xiran yihiin, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 200 oo ruux ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Baydhabo.

Dadka Banaanaxa dhigayay ayaa ka xumaaday xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeynayaa dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo shalay seddex musharax la dhageystay.

Labo Musharax ayaa maanta la dhageysan doonaa, waxaana maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.