Maxaa xaalka ROOBOW iyo guddoomiye MURSAL ku soo kordhay? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd sidii taageero loogu muujin lahaa Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan aqbaleyn in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska musharixiinta Koofur Galbeed iyaga oo dalbaday in xoriyadiisa la siiyo, maadaama si baal marsan Sharciga loo xiray.

Xubnaha ka hadlay kulanka ayaa soo hadal qaaday go’doonka uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in wax la aqbalo karo aysan aheyn go’doonka la geliyay guddoomiye Mursal.

Waxay sheegeen in guddoomiye Mursal uu yahay shaqsiga labaad ee ugu sareeyo dalka, balse lagu qasbay inuu isaga guuro madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii culeesaad la saaray.

Ugu dambeyn waxay dalbadeen in dadka kasoo jeedo Koofur Galbeed laga daayo cadaadis iyo dhibaatada lagu hayo islamarkaana Guddoomiye Mursal la siiyo fursad uu ku dhaqdhaqaaqi karo, Abuu Mansuurna lasii daayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com