Is-casilaadda GEESEY oo xukuumadda R/W Kheyre dhaawac culus gaarsiisey

Waxaa shalay is-casilay wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta ee Dowladda Federal-ka Cabdifataax Geesey kaas oo saddex qodob u sababeeyey tallaabada uu qaaday.

Arrintan oo naxdin iyo dhaawac ku noqotay Xukumadda uu hoggaamiyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu Cabdifataax Geeseey u aaneeyey faragalinta qaawan ee ay Xukumadda ku haysay doorashada Koonfur Galbeed, Xariggii Mukhtaar Roobow Cali iyo la tashi la’aanta mas’uuliyiinta ka soo jeedda maamulkaas ee ku matala dowladda dhexe.

Hadaba, maadama tallaabadan ahayd mid lama filaan ah, sidee ayey u saameyn kartaa Xukumadda Raisul Wasaare Kheyre?

Caadiyan bulshada waxa ay aaminsantahay in xasillooni daradda dalka ka jirta uu mas’uul ka yahay Kheyre oo aysan mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka la dhicin ama jecleysan hab-dhaqankiisa kala fogeynta ah.

Is casilaadda Geesey waxa ay bannaanka soo dhigtay tabashada bulshada Koonfur Galbeed ay xukumadda Kheyre afduubtay iyada oo duud siiyey xaqii uu dastuurka siiyey ee ahaa in ay iyaga ka tashan karaan masiirkooda.

Taas waxa ay sidoo kale dhabbaha u xaari doontaa in ay is casilaan xubnaha kale ee golaha Wasiirada ku matala maamulka Koonfur Galbeed sida la hadal hayo.

Haddii ay taasi dhacdo oo ay is wada casilaan xubnaha golaha Wasiirada ugu jira maamulka KGS, waxa ay cambbaar ku noqon doontaa Raisl Wasaare Kheyre iyada oo sidoo kale muujin doonta siyaasad xumada xukumadda uu hoggaamiyo.

Rai’sul Wasaare Kheyre tan iyo markii la soo magacaabay dowladda waxa ay ka bixi weysay xasarado iyo xasillooni siyaasadeed taas oo ay keentay in bulshada intooda badan qabaan in la gaarin xilligii la bedeli lahaa si dowladda labada sano ee u harsan ay dalka u sii hoggaamin lahayd.

Waxaa xusid mudan in mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ay fallanqeeyeaasha siyaasadda badankood qabaan in loogu dan leeyahay Rai’sul Wasaare Xassan Cali Kheyre.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid