Maamulka Koonfur Galbeed oo war cusub kasoo saaray xariga Mukhtaar Roobow

Bayhdbao (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war rasmi ah kaalintooda xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo haddi ay wax ka ogaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan ka warqabin xarigga dowladda Federaalka ah u geysatay Abuu Mansuur.

Wasiir Xasan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay tahay dowlad Goboleed ka mid ah dowadda Federaalka ah islamarkaana amniga dalka ay u xil saarantahay dowladda Soomaaliya.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in uusan jirin dambi ama dacwo maamulka Koonfur Galbeed uu u heysto Mukhtaar Rooboow laakiin dowladda Federaalka ah ay u gaartahay eedaha ay u heysato Abuu Mansuur.

Wasiir Xasan ayaa intaas ku daray in maamulkooda uusan la ogeyn dowladda Federaalka ah xarigga Abuu Mansuur oo ka mid ah musharrixiinta doorashada Koofur Galbeed oo lagu wado in la qabto 19ka Bishan.

Sidoo kale, taliska ciidamada Amisom ayaa shalay iska fogeeyey inay wax lug ah ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, oo iminka ku jira xabsi ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya oo ku yaalla Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com