Daawo Sawirrada: Maxay u xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana dadka la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya hareeraha waddooyinka.

Ciidamo Cusub oo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ciidamada dheeraadka ah la geeyay kamid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex.

Wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyin kale ayaa gabi ahaanba xiran, waxaana jirin faahfaahin rasmi ah oo laamaha amaanka ay ka bixiyeen xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada cusub ee la dhigay isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex ayaa si adag u baaraya Gaadiidka, iyadoo aysan u ogoleyn inay kasii gudbaan.

Xernaanshaha waddooyinka ma ahan kuwo horey loosii shaaciyay, waxayna shacabka ku waabariisteen waddooyinka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa Muqdisho oo xiran.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan baaritaano ka duwan kuwoo hore oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sidaasi darteedna waddooyinka loo xiray.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com