DFS iyo Ethiopia oo ay ka tafan tahay + Qroshihii Xasan Sheekh oo fashilmay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa sheegeysa in safarkii ra’iisul wasaare Sharmaake ee dalka Itoobiya uu ku saabsanaa sidii Itoobiya looga dhaadhicin lahaa in ay faraha kala baxdo siyaasadda iyo federal-ka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhankeeda dooneysa in ay qof kasoo jeeda Gobollada Dhexe laga dhigo madaxweyne, kaasoo ay iyadu wadato, balse doorweyn oo muuqda ku lahaa ka hor federal-ka in uu dhismo maamul ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda Itoobiya waxaa ay keensatay dooneysaana in uu madax ka noqdo maamulkaas, safiirka DFS u fadhiya dalkeeda, Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan, kaasoo doonaya in uu noqdo madaxweynaha uu yeelanayo maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda Somalia ayaa la sheegayaa in ay dhankeeda dooneyso in ay nin ku siyaasad ah dhanka madaxweynaha iyo xulufadiisa ay geysato maamulkaas hoggaankiisa, halka ay jiraan musharraxiin soo bandhigay ololahooda oo dadka degmooyinka gobolladaas la kulmay.

C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa in dowladdu ay dhankeeda dooneyso in uu noqdo madaxweynaha maamulka ay gobolladaasi yeelanayaan, madaxda sida caadiga isu sharaxay ee ololahooda ka billaabay gobolladaasna waxaa ka mid ah.

Maxamed Cilmi Afrax
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
C/raxmaan Maxamed Nuur Diinaari
Axmed Macallin Fiqqi
Bashiir Aadan Cali Danan
Maxamed Daahir Muxumad
Cali Cabdulle Axmed Tooyo
Cabdi Samed Nuur Guuleed
C/weli Warsame Jaamac Gorod
C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor

Si kastaba, waxaa la sheegaya in dowladda Ethiopia ay u sheegtay ra’iisul wasaare Sharmaarke in ka go’an tahay in rabitaankeeda la fuliyo, taasi oo muujineysa sida dalka uu weli gumeysi dadban ugu jiro xabashida.

Arrintan ayaa dhabar jab weyn ku noqoneysa Xasan Sheekh oo muddo isku nabayey Ethiopia, balse hadda ay u cadaatay in Ethiopia aysan cidna saaxiib la ahayn balse ay danteeda wadato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com