32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Taliye cusub oo loo dhiibay V/Somalia (3 arrin oo lagu haysto taliyihii hore) !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidamada amaanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga qaaday xilkii uu ka hayay Villa Somalia iyadoo markii ugu horeysay jagadaasi loo dhiibay mid ka mida agaasimeyaasha madaxtooyada.

Duraan Maxamed Cali ayaa horaantii bishan xilkii looga qaaday arrimo la sheegay inay halis geliyeen ammaanka madaxtooyada oo ay ka mid yihiin:
1. In ciidamo aan ka diiwaan gashaneyn madaxtooyada uu keenay villa Somalia

2. In lagu tebay hub maqan oo madaxtooyada lagu ilaalin jiray

3. iyo Kiis kale oo la xiriira shaqadiisa

Waxaa si kumeelgaara xilkaasi loogu dhiibay Ibrahim Sheekh Muxyadiin oo ka mid ahaa agaasimeyaasha madaxtooyada una qaabilsan dhinaca agaasinka. Wararka ayaa sheegaya in taliyaha hore baaritaan lagu wado.

Isha: Gobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News