Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in kulan uu la qaatay Odayaal kasoo jeeda Beesha Habargidir kaasi oo kusoo idlaaday niyad jab.
Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaashaasi ay ka duulayeen socdaalkii R/W CC uu ku gaaray Magaalada Addis Ababa ee Cariga Dalka Ethiopia, waxa ayna Odayaashu qabaan in R/W CC uu faragalin adag ku hayo Beesha islamarkaana uu kala geynaayo Siyaasiyiinteeda.
Odayaasha ayaa la tilmaamayaa inay aad uga caroodeen Siyaasad uu R/W CC ku doonaayo in Axmed Cabdisalaan uu u hirgaliyo hamigiisa ah inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe, kaasi oo ah qorshe ay dowladda Ethiopia gadaal ka riixeys..
Odayaasha oo muddo kooban ku jiray Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, ayaa waxa ay R/WCC ugu baaqen inuu faraha kala baxo arrimaha ku saabsan Beesha Habar Gidir, maadaama uu yahay mid aan waxba ka garaneynin, waxa ayna u sheegen in Ujeedka socdaalkiisa Ethiopia ay la socdaan inuu ahaa mid ku saleysan Siyaasada Axmed Cabdisalaan.
Maamulka gobollada dhexe, ayaa waxaa hadda siyaasiyiinta uga cad cad ay kala yihiin Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu wato Xasan Sheekh iyo Axmed Cabdi Salaam oo ay Ethiopia wadato, hase yeeshee beesha Habar-Gidir ayaan dooneyn labada siyaasi midna.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

