“DFS maxay ka ogtahay heshiiska ka dhacay Garoowe ee PUNTLAND iyo…?”

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq C/raxmaan Cali oo loo yaqaan (Malaaq Buur-fuule), kana mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Bay, oo saxaafadda la hadlay wuxuu dhaliilay siyaasadda Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u cambaareeyey shir Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland ay ku yeesheen wafdi uu horkacayey safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Fabrizio Marcelli & Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, wuxuuna sheegay Malaaq Buur-fuule in Talyaanigu isaga oo ka faa’ideysanaya tabadarridda dowladda dhexe, & xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay inuu la yimid hab dhaqan fashil ku ah hannaan dowladeedka Soomaaliya.

“ Talyaanigu wuxu heshiis aaney dowladda dhexe waxba ka ogeyn uu la galay maamul ay sameysteen beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, isaga oo aan ku wargelin dowladda dhexe, waxaan weydiin lahaa Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Dr. Beyle waxa uu kala socdo heshiiska Garowe ay ku kala saxiideen Safiirka Talyaaniga & Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas.? Dowladdu waxaad moodaa in aysan arrimahaasi ku baraarugsaneyn waxaana ku kalsoonahay inuu hoosta ka riixayo R/wasaare C/weli. Waxaa kale oo la yaab ah, una baahan yahay in lays weydiiyo sababta Baarlamaanka Soomaaliya uga hadli la’ yahay heshiiskaasi.? Baarlamaanku wuxuu shaqo ka dhigtay mooshin, wasiir shaqadiisii haysta iney yiraahdaan baarlamaanka ha hor yimaado, shirkad hebel oo ka shaqeyneysa dib u habeynta garoonka dayuuradaha shaqada ha joojiso; aniga waxaan u arkaa baarlamaanka xubnaha ku jira intooda badan in ay yihiin dad soo shaqa tegay ” Ayuu yiri Malaaq Buur-fuule.

Malaaq wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda Talyaanigu kula dhaqmayo Soomaaliya ay tahay siyaasad wejiyo badan, oo marna uu isaga dhigayo xabiib, haddana uu la soo baxayo dhaqankii uu caanka ku ahaa ee (Qowda maqashii, waxna ha u qaban); intaasina wuxuu sii raaciyey in Talyaaniga mar kasta oo uu arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo inuu fiirsanayo danihiisa gaarka ah ee marnaba uusan daacad ka aheyn in Soomaaliya ay xasisho.

“Talyaanigu waa markii 2-aad ayuu ku celinayaa qaladka ah in beel ka mid ah beelaha Soomaalida inuu naas-nuujin gaar ah u sameeyo; markii hore waxey aheyd wuxuu siiyey taleefishin, markii uu arkay in dowladdu ay ka aamustay, wuxuu ku celiyey inuu heshiisyo kala la sii galo Puntland; annagu kama xumin haddii wax loo qabanayo shacabka walaalaheen ah ee ku dhaqan Puntland, waxaase shardi ah in dowladda dhexe la soo maro. Maxey tahay sababta gargaarka Talyaanigu bixinayo u noqon waayey mid dowladda soo mara.? Muxuu se Talyaanigu ugu kala eexanayaa Gobolada Soomaaliya.? Hadhow ma waxey dhihi doonaan Soomaaliya ayaa mucaawimo siinay.? ” Ayuu yiri Malaaqa, wuxuuna intaasi ku daray in Talyaaniga uu dib u soo celiyey kala qeybintii uu Soomaaliya ku hayey, isaga oo mar kale arrintaasi sii ambaqaadayana waxa uu yiri:

“Dowladda Talyaaniga hadda ka jirta ma ogolaan laheyd in Madaxweyne dal dibedda ka socda inta uu yimaado Talyaaniga inuu Gobolka Napoli shir kula galo Guddoomiyaha Gobolkaasi. Talyaaniga isaga oo ka faa’ideysanaya”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com