29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

DF oo ka hadashay dhibta WFP ay u horseedeyso shacabka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ka hadashay Raashiinka dhacay ee Hey’ada WFP kasoo dajisay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somalia, ayaa sheegay in DF ay wado baaritaano lixaad leh oo ku aadan sababta raashiinka dhacay loo keenay Somalia.

Maareeye waxa uu sheegay in arrinta raashiinka dhacay ay kala xaajoonayaan Saraakiisha Hey’ada WFP ka jooga Somalia, waxa uuna intaa ku daray in baaritaano dheer kadib ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxda baaritaanka.

Maareeye waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray in Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka uu Guddi wasiiro ah u xilsaaray arrintaasi in ay soo cadeeyaan, waxaana Wasiiradaasi ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Somalia C/raxmaan Odowaa.

Guddiga Wasiiradaani ayaa looga fadhiyaa in ay natiijo ka keenaan Hey’ada WFP iyo sababta keentay in raashiinkaasi ay keenaan Somalia.

Lama oga waxa kasoo bixi doona baaritaanka la sheegay inay wadaan gudigaani Wasiirada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News