Sawirro: Eritrea oo khasaare gaarsiisay Ethiopia kadib dagaal

Muqdisho (Caasimada Online)-Xaalad xasilooni darri ah ayaa waxa ay wali ka jirtaa xuduudda u dhaxeysa dalalka Eritrea iyo Ethiopia, kadib markii ay ku dagaalameen deegaano dhaca xadka.

Dowlada Eritrea oo ka duuleysa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay waday Dowlada Ethiopia, ayaa xadkeeda dhigtay Boqolaal ciidan kuwaasi oo la sheegay in markii danbe ay Ethiopia kala wareegen deegaankii lagu dagaalamaayay.

Dowldda Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka badan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay axaddii iyo Isniintii.

Eritrea waxa ay sheegtay in ciidanka ay ka dishay Ethiopia ay ku heleen tuulooyin aysan aqoon u laheyn sidaana ay ku dileen ilaa 200 oo Askari.

Eritrea waxa ay intaa ku dartay hadalkeeda in suuragal ay tahay in ciidamada ay ka laayen Ethiopia kasii badan karaan 200, balse ay iminka heleen meydadka tirro intaa dhan.

Wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda oo Wareysi siinaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah, hase yeeshee ma uusna beenin.

Reda waxa uu sheegay in la joojiyey dhaqdhaqaaq colaadeed oo uu billaabay taliska Asmara”, islamarkaana Ethiopia ay diyaar u tahay inay iska caabiso wax ay u aragto cadaawadda Eritrea.

Geesta kale, Dagaalkaani ayaa u muuqda mid Dowlada Eritrea ay xal ugu raadineyso Somalia, si marka uu kululaado dagaalka ay Ethiopia ciidankeeda ugala soo baxdo Somalia.
8

1

2

3

4

5

6

7