Kenyatta & Ban Ki Moon oo isla gartay arin Soomaalida quseysa

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in Kenya iyo Qaramada Midoobay isla garteen in  Kenya laga taageero dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dowlada kenya ayaa shaacisay in Qaramada Midoobay ay la wadaageen dhibaatada ka heysata Qaxootiga badan ee ku jira Xeryaha Dhadhaab, islamarkaana qaramada Midoobay ay aqbashay sidii loo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed.

Aamina Xaaji Maxamed Wasiirka arimaha dibada dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaramada midoobay ay si cad ugu sheegtay iney ka taageereyso sidii loo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab, kadib markii ay ka dhaadhiciyeen fikirkooda, kadib kulan dhex maray madaxweynaha Kenya iyo xoghayaha Qaramada Midoobay.

Kenya ayaa horey u sheegtay in bisha November ee sanadkaan iney xireyso xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana arintaasi kasoo horjeestay dad badan.

Hayada UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa horey kaga soo horjeestay go’aanka Kenya, balse haatan lama oga siday wax isku badaleen.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com