JAWAARI oo tagay magaalada Baydhaba iyo qorshe ka socda

Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa safar ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan maamulka koofur Galbeed.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ah xubnaha safarka ku wehliya afhayeenka baarlamaanka ee maanta tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ujeedada Jawaari uu u tagay magaalada Baydhabo ay tahay ka qeyb galka shirka madasha ee dhawaan halkaasi ka dhacaya iyo inuu kulamo hordhac ah halkaasi kusii qabtaa.

Xubnaha madasha wadatashiga ayaa shirkooda ugu dambeeya ee go’aanada lagu gaarayo waxay ku yeelanayaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Baydhabo, iyadoo maamulka koofur galbeed uu isku diyaariyay soo dhaweynta madaxda madasha.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com