R/W Sharmaarke oo fariin cajiib ah u diray Uhuru Kenyatta (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo wareysi siinaayay Wargeyska Dailynation ee dalka Kenya, ayaa Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyatta ugu baaqay inuu ka fiirsado go’aanka uu ku xiraayo Xerada dhadhaab ee dalka Kenya.

Sharmaarke ayaa Kenyatta ugu baaqay inuu ka laabto go’aanka uu albaabada isugu dhufanaayo Xerada Dhadhaab, waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu caburinaayo Dowlada Somalia oo iminka la daala-dhaceyso u diyaar garowga doorashada 2016-ka.

Sharmaarke waxa uu Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo Xukuumadiisa ugu baaqay inay qaatan go’aan geesinimo leh, islamarkaana ay muddo Seddex sano ah dib u dhigaan go’aanka ay ku xerayaan xerada.

Sharmaarke waxa uu wareysiga wargeyska The Washington Post ku sheegay iney doonayan in qaxootiga Soomaalida ay dib ugu soo laabtan dalkooda, balse ay Kenya ka doonayan in fursad loo siiyo qaxootiga ilaa iyo 2019 iney ku soo laabtan.

Waxa uu sheegay in qaxootiga aan la iska soo celin karin iyaga oo aysan wax kale jirin balse loo baahan yahay wadada lagu soo celiyo inay noqoto mid laga fiirsado oo aan degdeg ku jirin.

Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in DFS ay mar waliba ka go’an tahay inay lasoo baxdo Qaxootigeeda balse ay dooneyso keliya in meesha laga saaro degdegta iyo caburinta lagu hayo qaxootiga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in DFS ay iminka isku dayayso iney Kenya ku qanciso in muddo ku darto wakhtiga la xirayo xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa u muuqda mid aysan DFS ku xamili karin mas’uuliyada qaxootigaasi waxa uuna ku celcelshay in dib loo dhigo muddo Seddex sanno ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com