Xog cusub: Xildhibaanno dhowr ah oo maxkamad lasoo taagayo

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay Maxkamad soo taageyso tirro Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Xildhibaanada la maxkamadeynaayo oo iminka ku jira Xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ayaa lagu eedeeyay in colaad ay ka dhex abuurayaan Shacabka iyo Dowlada Kenya.

Xildhibaanadaani ayaa maanta oo Sabti ah ku xiran Xabsiga maalintii Afaraad waxa ayna ka tirsan yihiin Xisbiga Mucaaradka ee CORD ee uu Hogaamiyo Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga.

Xildhibaanadaani ayaa waxaa lagu helay kiisas dambi ah oo la xiriira ololinta Siyaasada dalkaasi, waxaana jiro warar sheegaya inay diyaarinayeen shacab ku hor banaanbaxa Madaxtooyada iyo xarunta Baarlamaanka Kenya.

Amarka lagu xiray Xildhibaanadaani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyatta oo isaga u arka inay carqaladeynayaan xasiloonida dalkiisa.

Xildhibaanadaani ayaa lagu wadaa in gudaha Asbuucaani ay kasoo hormuuqdan Maxkamada, inkastoo aan la ogeyn waxa ay muteysan doonaan.

Xildhibaanada lasoo taagi doono Maxkamada ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Soomaali ah oo lagu magacaabo Juled Maxamed kaasi oo laga soo doortay Galbeedka Kenya.

Lama sheegin tiradooda guud, balse waxaa la sheegay inay yihiin kuwo aad u badan oo xarigoodana laga dareemaayo magaalada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com