Xog cusub: Qorshihii Dam-Jadiid ee shirka Jowhar oo fashilmay

Jowhar (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa sheegeysa in qorshihii maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay wadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u dhow ee Damjadiid uu gebi ahaan fashilmay kadin muddo 7 bilood ah oo olole ugu jireen arrintan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ahayd tii ugu dambeysay oo ku jirtay dhismaha maamulkaasi ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ka taagtay isla markaana ka tanaasushay sii wadida shirkaasi, iyadoo qaar kamida odayaashii ay isugu geytay Jowhar ay awoodi waayeen inay qeybsadeen ergada.

Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo kooxda taageersan Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo madaxweynaha iyo kooxdiia u wadeen inuu madax ka noqdo maamulkaasi ayaa soo afjaray rajadoodii ahayd inay dhisaan maamulkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore ugu guuleystay inuu maamulka Galmudug dhiso, isagoo madax uga dhigay mid ka mida saaxiibadiisii ugu dhowaa ayaa damacsanaa in sidoo kale Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu sidoo kale u dhaco, taasoo hadda lagu fashilmay xilli waqtiga u haray dowladiisa aad u kooban yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com