Tarsan sir ku qarsaxan guddiga uu XASAN iskiisa u magacowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya dhaliilo loo jeedinaayo Dowlada Somalia taa oo Salka ku heysa qaabka loo soo xulay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo horey u soo noqday Gudoomiyiha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, ayaa dhaliilay qaabka loo soo diyaariyay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka, waxa uuna sheegay in Gudigaasi aan loo dhisin qaabkii loogu tallo galay.

Tarsan waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh looga baahan yahay in Guddigaasi uu dib ugu laabto islamarkaana uu waafajiyo cadaalada.

Tarsan waxa uu sheegay in Guddigaasi uu wali ku jiro mugdi loona baahan yahay in Madaxweynaha dalka uu waxbadan ka bedelo islamarkaana dib ugu laabto.

Waxa uu shaki galiyay in dhammaan xubnaha lasoo xulay ay yihiin kuwo ku dhisan qaab cadaalad ah, waxa uuna ku taliyay in inta goori goor tahay wax laga bedelo magacyada.

Shakiga ugu badan ee uu Tarsan muujiyay ayaa ah in Gudigaasi ay dhammaan yihiin kuwo hal dhinac Siyaasada ka aaminsansan islamarkaana laga tagay xubnihii ay ku lahaayen Axsaabta dalka.

Tarsan si toos ah uma uusan carabaabin halka ay boogta ka quransan tahay, balse waxa uu dhaliil xoogan ka keenay liiska magacyada 22-ka xubnood ee lagu soo dhoodhoobay Villa Somalia.

22-ka xubnood ee lasoo dhisay ayaa 10 xubnood waxa ay matalayaan Maamul Goboleedyada taas oo Labo xubnood ay ka timid Maamul Goboleedyada halka xubno kale la tilmaamay in ay yihiin Aqoonyahano.

Dhanka kale, Tarsan ayaa ku celcelshay in Madaxweyne Xassan uu dib ugu laabto Liisaka uu Saxaafada usoo bandhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com