Puntland: Qaabka loo diyaarinayo doorashada Somalia oo la diiday

Garoowe (Caasimada Online) – Inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilsan qaabka ay DFS u diyaarineyso doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in doorashada aysan ka marnaan doonin cadaala darri iyo in la musuqo codadka la filaayo in lagu shubo sanduuqa cod bixinta.

Cali Xaaji Warsame oo kasoo jeeda deegaanada Puntland horayna xil uga soo qabtay Xukuumadii Madaxweyne Gaas ee Puntland, ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo qaban doono doorashada waxa uuna is weydiyay in cadaalada lala baal-mari doono doorashada iyo in ay u dhici doonto hanaan ku saleysan cadaalada la baadi-goobaaya.

Siyaasi Cali Xaaji ayaa sheegay in Doorashada ay muhiim tahay in wakhtigeeda la qabto islamarkaana lagu saleeyo sharciga iyo cadaalada.

Siyaasiga ayaa sheegay in Madaxda DFS iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay u istaagaan Doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo, waxa uuna ka digay in la baal-maro cadaalada lagu heshiiyay.

Cali Xaaji waxa uu tilmaamay inay dhici karto khaladaad balse loo baahan yahay in wakhti hore laga taxadaro waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa in wax waliba ay wanaagsanaan doonaan waa haddii lagu saleeyo nidaamka iyo cadaalada.

Siyaasi Cali Xaaji oo hada ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in hadii ay suuragal tahay uu ka qeyb qaato Doorashada dalka ka dhaceysa isaga iyo siyaasiyiinta la midka ah.

Dhanka kale, Cali Xaaji ayaa ugu baaqay DFS iyo Maamulada dalka inaan dalka dib loogu celin dhowrkii sano ee burburka waxa uuna ku taliyay in laga feejignaado khilaaf iyo muran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com