Gudigii Xasan uu magacaabay oo durba shaki & qeylo laga keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddal heynta ugu badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa saacadihii ugu danbeeyay noqotay qaab dhismeedka Guddiga Doorasahada ee 2016-ka oo ay ku dhawaaqday Dowlada Somalia.

Guddiga Doorasahada ee lagu dhawaaqay oo laga doonaayo inay u sinaadan dhamaan dhinacyada u tartami doona Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, ayaa waxaa hadana jirta cabsi laga qabo inay u bataan dhinacyada iyaga soo xushay ee u tartami doona Baarlamaanka iyo Madaxweyninimada dalka.

Inta badan dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ayaa qaba in gudigaasi aan lagu soo xulin cadaalad, daacadnimo, waayo aragnimo iyo aqoon.

Qaar koow waxa ay qabaan in Gudigaasi uu soo xushay Madaxweynaha dalka islamarkaana meel kusoo hubsaday si ay ugu sahlaan dhammaan Sifooyinka uu kusoo laaban lahaa, halka qaarna ay qabaan in Gudiga uu yahay mid lagu soo dhisay Heshiis hoos iska taabat ah oo u dhexeeya Xassan Sheekh iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka.

Shakiga ugu weyn ayaa ah sida Gudigaasi ay dhexdhexaadka uga noqon lahaayen doorashada, waxa ayna cabsida ka taagan tahay inay u hiiliyaan Xassan Sheekh oo isaga ah mas’uulka soo xushay.

Sidoo kale, waxaa shaki laga muujinayaa in Gudigaasi ka kooban 22-ka xubnood ay aqbalaan Beesha Caalamka oo iyagu dareen gaar ah ka qaba Siyaasada uu dheelaayo Xassan Sheekh.

Lama saadaalin karo sida uu xaalku noqon doono, walow laga dhowr sugaayo go’aanka kasoo bixi doona Beesha Caalamka oo noqon doona laba arrin midkood oo kala ah ogolaansho ama diidmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com