Maxaad kala socotaa qorshaha waqti kororsiga ee Xasan Sheikh?

Muqdisho (Caasimada Online)  – Waxaa isa soo taraya cabsi ku saabsan dib u dhac ku yimaada doorashada labada aqal ee Baarlamaanka oo lagu waday inay Bisha Ogost dhacdo iyadoo ay jiraan qorshe qarsoon oo dowladda hadda jirta ku dooneyso in doorashada aya gaarto sanadka cusub 2017.

Xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa hore u sheegtay inay u baahan tahay 3 ilaa 4 bilood oo dheeraad ah si loo diyaariyo doorashooyinka Baarlamaanka oo hadda ah laba aqal iyo tan madaxweynaha oo gaari karta Janaayo 2017, taaso ay ka hor yimaadeen Baarlamaanka.

Wax ka bedelka qodobka 60-aad ee Dastuurka KMG ah oo ay ku dhaqaaqeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kaasoo xilliga jiritaanka Baarlamaanka hadda jira ka dhigaya mid gaaraya ilaa laga doorto Baarlamaan kale ayaa keenay shaki ku saabsan inuu jirto qorshe muddo kororsi ah oo si hoose uga dhex socda hay;adaha dowladda Federaalka xilli madaxda sare ku dhawaaqeys inaysan jirin doonin muddo kororsi.

Waxaan weli lagu heshiin tirada iyo qeybinta aqalka sare, iyadoo aqalka hoose aad loo adkeeyay doorashada xildhibaanada oo hadda ay dooranayaan 52 xubnood, taasoo howsha sii cakireysa. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhowaan sheegay in la dhisay guddiyadii doorashada Federaalka iyo maamulada, laakiin waxaa la ogyahay in guddiyadaasi intooda badan la isku heysto weli.

Madaxda Madasha Qaran ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ayaa 20-ka bishan ku shiraya magaalada Baydhaba iyadoo ay harsan yihiin arrimo weli la isku heysto oo ku saabsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo qabanqaabada doorashooyinka oo hadda caddahay in dib u dhac la qarinayo ku imaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com