CC oo soo saaray war xasaasi ah oo ku saabsan doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay heerka uu iminka maraayo u diyaar garoowga doorashada Somalia ee dhawaan la filaayo.

Sharmaarke waxa uu sheegay in 85% ay soo gunaanadeen howlaha doorashada marka laga reebo liiska Odayaasha oo ubaahan in shirka Baydhabo lagu dhameystiro.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in inta badan dadku ay dhaliilsan yihiin Dowlada, balse aysan la socon howlaha ay gacanta kula jirto dowlada.
Waxa uu cod dheer ku sheegay in wax waliba oo qasan ay kala fududaan doonaan marka lasoo afjaro shirka la filaayo inuu ka furmi doono magaalada Baydhabo.

Howlaha u harsan ayuu sheegay inay yihiin kaliya kuwo farakutirisa ah oo lagu soo dhameyn karo muddo asbuucyo ah, halka inta soo hartayna ay yihiin kuwo isku soo dhamaaday.

Sharmaarke waxa uu sheegay in marka arinta Odayaasha meel la saaro la guda geli doono arrimaha dhanka farsamada, loojistikada iyo Amniga ee ku xiran qabsoomida doorashada.

Waxa uu meesha ka saaray inay dhici karto dib u dhac ku imaada doorashada.

Haddalka Ra’isul wasaare Cumar ayaa imaanaya xili inta badan dalka laga hadal hayo in doorashada aysan qabsoomi doonin wakhtigeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com