Puntland oo qaadacday guddigii ay ansixiyeen wasiirada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay kasoo horjeedan Guddiga Saxaafadda oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada xukuumada Somalia.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade, ayaa shaaca ka qaaday inaanu aqoonsaneyn islamarkaana aqoonsan doonin Guddiga ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Maxamuud Xasan Soocade, waxa uu sheegay inay la socdaan in Guddigaasi uu Golaha horgeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, balse aysan qaadan doonin.

Maxamuud Xasan Soocade, ayaa sheegay in sababta ay uga biya diidan yihiin Guddigaasi ay tahay in Puntland oo xubintii Guddigaan ay u soo qoratay aanan loo magacaabin, balse booskaasi la geliyay xubin kale.

”Puntland ma aqbaleyso Guddigaasi, waayo waxaa laga saaray tiradii aan xulanay waxaana lagu daray tirro kale oo aanan garaneynin halka laga keenay”

Haddalka Wasiir Maxamuud Xasan Soocade, ayaa imaanaya xili Xubin ka mid ah Guddigaan horay uga dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kadib markii uu sheegay inaan lagala tashan ka mid ahaanshaha Guddigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com